Waxaa laga yaabaa inaan dhayalsano faa’iidada ay leedahay in dhalinyarada shaqo laga siiyo shirkadaheena. Sababaha soo socda waxay muujinayaan muhiimadda ay leedahay inay shaqaaleysiiyo dhalinyarada.

  • dhalinyarada waxay 70% in ka badan ka yihiin shacabka Soomaaliyeed. Haddii dhalinyarada waxbartay aysan ka qeybgalin dhaqaalaha dalka, waxay taasi la mid tahay inaan 70% xoogga Soomaaliyeed ee shaqeyn lahaa aynan ka faa’iideysan.
  • Dhalinyaradu waxay shaqooyinka xirfaddohooda  u gudan karaan si ka sareysa dadka waaweyn markii tababar wax ku ool ah.
  • Gaar ahaan dhalinyarada ah way kaga wanaagsan yihiin ragga ixtiraamka kala-dambeynta iyo daacadnimada. Sidoo kale ma minguuriyaan ganacsiyada ay ka shaqeeyaan.
  • Dhalinyaradu waxay noqon karaan maamulayaal fiican; waxay ku wanaagsan yihiin xiriirka dadweynaha iyo shaqada loo qabto koox ahaan.
  • Dhalinyaradu waxay ku wanaagsan yihiin arrimaha la xiriira maaliyadda iyo howlaha kale ee la xiriira kalsoonida iyo xusuusta fiican.