May

13

Howsha shaqo-siinta dhalinyarada waa in laga wada qeybqaataa. Shirkad, hay’ad ama qof kasta rag iyo dumar wuxuu kaalin ka qaadan karaa howshan.

  • Dhalinyarada qalin jebiyey: Waa in ay la yimadaan howl-karnimo, korna u qaadaan awoodooda xirfadeed, isla markaana aysan ku niyadjebin caqabadaha jira.
  • Dhalinyarada haya xilalka sare: Waa inay mudnaata koowaad siiyaan dhalinarada marka ay fursado shaqo ka bannaanaadaan meelaha ay ka shaqeeyaan.
  • Ragga shaqeeya: Waa inay u doodaan in dhalinyaro badan laga shaqaaleysiiyo goobaha ay ka shaqeeyaan, waayo dhalinyarada ku soo biira shirkadda waxay soo kordhin karaan isbeddel.
  • Dowladda: Waa inay mudnaanta koowaad ee shaqaaleynta siisaa dhalinyarada, si tirada dhalinyarada jaamacadaha ka baxay ee ka shaqeeya xafiisyada dowladda ay ugu soo dhowaato shaqaalaha kale. Kaddibna in dowladdu soo saarto siyaasado dhiirrigelinaya in dhalinyaradu shaqo ka helaan shirkadaha, jaamacadaha, dusgiyada iyo hay’adaha.
  • Maamulayaasha: Waa inay mudnaanta koowaad siiyaan dhalinyarada marka ay shaqo-qoris cusub sameynayaan. Faa’iidada ay arrintaasi leedahay waa la dareemi doonaa.