Zeynab

Khadiijo sanadkii labaad ayay jaamacaddu u socotaa, aad bayna ugu faraxsan tahay waxbarashadeeda, iyadoo la hadlaysa wargayska FURSAD ayay ka warbixisday xaaladda waxbarshada sare ee gobolka Bay, waxyna hadalkeedii ku bilowday:-

Runtii wax barshada sare ee gobolku aad bay u fiican tahay, waxaa ka jira labo jaamacadood,   oo ay dhigtaan arday faro badan, anigu waxaana dhigtaa jaamacadda Bay, waxaa markii hore lagu bilaabay 50 arday, maantana dhowr boqol ayaa dhigata,macalimiin nagu filanna way inoo joogaan.

Fursadda ugu wayn ee ay jaamacadaha Gobolka ka jiraa ay qabteen waxay tahay in ay inoo suurogeliyeen in waxbarashadii jaamacadeed ay deegaankeena inoogu keeneen, taasina waxay dhiirogelisay arday badan oo markii hore ka niyad jabsanaa inay jaamacad galaan inay maanta si fudud uga heleen deegaankooda.

Inkastoo jaamacadda Bay weli aysan arday ka soo qalin jebin, haddana waxaa khadiijo ka wareysanay xaaladda shaqado helista gabdhaha Jaamiciyiinta ah   ee  Gobolka, waxayna inoo  sheegtay in shaqo la’aantu ay baahsan tahay, balse gabdhaha caafimaadka iyo kalkaaliyenimada soo bartay ay fursado badan haystaan, maadaama deegaanku ay ku yar yihiin dhaqaatiirta.

“Hadda waxaan ku jiraa semistarka 4aad, waxaana si Internship ah uga shaqeeyaa isbitaalka wayn ee magaallada Baydhabo, si aan waayo-aragnimo uga sii helo” ayay tiri Khadiijo oo xustay in mustaqbalka ay naawilayso in gabdhaha wax baray ee Gobolka ay heli doonaan Furdsado shaqo.