Sha

13

Howsha shaqo-siinta gabdhaha waa in laga wada qeybqaataa. Shirkad, hay’ad ama qof kasta rag iyo dumar wuxuu kaalin ka qaadan karaa howshan.

  • Haweenka qalin jebiyey: Waa in ay la yimadaan howl-karnimo, korna u qaadaan awoodooda xirfadeed, isla markaana aysan ku niyadjebin caqabadaha jira.
  • Haweenka haya xilalka sare: Waa inay mudnaata koowaad siiyaan haweenka marka ay fursado shaqo ka bannaanaadaan meelaha ay ka shaqeeyaan.
  • Ragga shaqeeya: Waa inay u doodaan in haween badan laga shaqaaleysiiyo goobaha ay ka shaqeeyaan, waayo haween ku soo biira shirkadda waxay soo kordhin karaan isbeddel.
  • Dowladda: Waa inay mudnaanta koowaad ee shaqaaleynta siisaa haweenka, si tirada gabdhaha jaamacadaha ka baxay ee ka shaqeeya xafiisyada dowladda ay ugu soo dhowaato tan ragga. Kaddibna in dowladdu soo saarto siyaasado dhiirrigelinaya in gabdhuhu shaqo ka helaan shirkadaha, jaamacadaha, dusgiyada iyo hay’adaha.
  • Maamulayaasha: Waa inay mudnaanta koowaad siiyaan gabdhaha marka ay shaqo-qoris cusub sameynayaan. Faa’iidada ay arrintaasi leedahay waa la dareemi doonaa.