Mashruucan wuxuu leeyahay ujeeddooyin loogu talogalay inuu gaaro. Waxaa la dajiyay qorshayaal lagu xaqiijinayo in la gaaro ujeeddooyinka. Qodobada soo socda ayaa ugu waaweyn ujeeddooyinka mashruuca:

  • In dareenka shacabka lagu soo duwo caqabaddaha ay gabdhaha jaamacaddaha ka qallin jabiyey kala kulmaan inay shaqo helaan
  • In lagu dhiirro-galiyo dhinacyada wax shaqaaleysiiya sida shirkadaha, dowladda, NGO-yada, bahda waxbarshada sidii ay shaqaaleysiin lahaayeen gabdho badan oo soo qalinjebiyay.
  • In lala taliyo gabdhaha ku cusub shaqada si looga caawiyo inay la qabsadaan shaqadooda.
  • In wax laga qabto arrimaha khuseeya shakhsiyadda, dhaqanka, shirkadaha iyo hay’adaha, ee saameynta ku leh shaqaaleysiinta gabdhaha.
  • In gabdhaha loo abuuro madal ay ku wada xiriiri karaan, ku doodi karaan, isla markaana u doodi karta xuquuqdooda shaqada iyo waxbarashada.
  • In gabdhaha lagu dhiirrigeliyo inay waxbartaan, waayo haddii ay gabdho badan shaqo helaan, gabdho badan ayaa waxbaranaya.