Faa’iidooyinka Shaqaaleysiinta

Waxaa laga yaabaa inaan dhayalsano faa’iidada ay leedahay in gabdho shaqo laga siiyo shirkadaheena. Sababaha soo socda waxay muujinayaan muhiimadda ay leedahay inay shaqaaleysiiyo gabdho.

  • Haweenku waxay 50% ka yihiin shacabka Soomaaliyeed. Haddii gabdhaha waxbartay aysan ka qeybgalin dhaqaalaha dalka, waxay taasi la mid tahay inaan 50% xoogga Soomaaliyeed ee shaqeyn lahaa aynan ka faa’iideysan.
  • Diinta Islaamka way oggoshahay in haweenku ka qeybqaataan ganacsiga. Nabigeena (NNKH) waxay xaaskiisa koowaad isku barteen howl ganacsi.
  • Haweenku waxay shaqooyinka xirfaddooda khuseeya u gudan karaan si la mid ah raga.
  • Haweenku way kaga wanaagsan yihiin ragga ixtiraamka kala-dambeynta iyo daacadnimada. Sidoo kale ma minguuriyaan ganacsiyada ay ka shaqeeyaan.
  • Haweenku waxay noqon karaan maamulayaal fiican; waxay ku wanaagsan yihiin xiriirka dadweynaha iyo shaqada loo qabto koox ahaan.
  • Haweenku waxay ragga kaga wanaagsan yihiin arrimaha la xiriira maaliyadda iyo howlaha kale ee la xiriira kalsoonida iyo xusuusta fiican.
  • Haweenku way ku fiican yihiin howlaha la xiriira waxbarashada iyo adeegyada la xiriira. Waxay noqon karaan maamulayaal dugsi ama macallimiin heerarka kala duwan ee waxbarashada sababtoo ah haweenku waxaa ku beeran daryeel iyo laxaw.

FACTS AND FIGURES

12% only Somali women working in the private sector
8% only Somali women working in the telecom sector
The reach? The education sector is the one that employs the largest number of women, while telecoms employ the least.
The challenges women face

  • Challenge #1: female graduate's lack of interest in the job search process.
  • Challenge #2: general misconceptions on the low level of education and skills compared to their male counterparts.
  • Challenge #3: negative perceptions on the figure of working women.